10ka Xiddig Ee U Sharaxan Abaalmarinta Xiddiga Sannadka FIFA Oo La Shaaciyay

0
31

Baladweyne(Radio Beerlula)- FIFA ayaa goordhow ku dhawaaqday 10ka xiddig ee u sharaxan abaalmarinta xiddiga sannadka ee The Best, waxaana ku soo baxay seddex xiddig oo u ciyaarta kooxda hanatay xilli ciyaareedkii hore Champions League ee Liverpool.

Weeraryahanada Mohamed Salah iyo Sadio Mane waxaa ku wehliya daafaca Virgil van Dijk iyadoo seddexdaan xiddig ay ka caawiyeen kooxda Liverpool hanashada Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay halka ay sidoo kale ku dhawaadeen inay qaadaan koobka Premier League.

Waxaa liiska sidoo kale ku soo baxay Lionel Messi oo kooxdiisa Barcelona xilli ciyaareedkii hore ka caawiyay hanashada La Liga isagoo sidoo kale ku guuleystay kabta dahabka Yurub ee Golden Shoe.

Weeraryahanka Tottenham Harry Kane, daafacii hore ee Ajax haatana ku biiray Juventus Mattijs de Ligt, xiddiga kale ee Ajax ka tagay kuna biiray Barcelona Frenkie de Jong ayaa iyagana ka mid ah mushaharaxiinta.

Ciyaaryahankii Chelsea la qaaday Europa League ee xagaagan u wareegay Real Madrid Eden Hazard ayaa isna ku jira 10ka xiddig ee u sharaxan abaalmarinta xiddiga sannadka.

Cristiano Ronaldo oo xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee horyaalka Talyaaniga Juventus la qaaday Serie A ayaa isna tartamaya.

10ka Xiddig Ee U Sharaxan Abaalmarinta The Best:

  • Cristiano Ronaldo (Juventus)
  • Frenkie de Jong (Ajax/Barcelona)
  • Matthijs de Ligt (Ajax/Juventus)
  • Eden Hazard (Chelsea/Real Madrid)
  • Harry Kane (Tottenham)
  • Saido Mane (Liverpool)
  • Kylian Mbappe (PSG)
  • Lionel Messi (Barcelona)
  • Mohamed Salah (Liverpool)
  • Virgil van Dijk (Liverpool)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here