kulamadii Xalay Dhacay

0
82

Baladweyne(Radio Beerlula)- Chelsea ayaa  5-3 ku xasuuqday kooxda Red Bull Salzburg ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday dalka Austria

Christian Pulisic iyo Ross Barkley ayaa wacdarro dhigay kulankii Xalay

Qaab ciyaareedka uu Pulisic soo bandhigay ayaa taageerayaasha Chelsea siineysa rajo ah inay jirto nolol ka danbeysa Eden Hazard.

Dhanka kale.

Arsenal ayaa rigoore 4-3 kaga badiyay kooxda Faransiiska ee Angers ka dib markii 90ka daqiiqo lagu qabtay barbaro 1-1 ah.

Liverpoolna   jadwalkeeda kulamada saaxiibtinimo waxa ay ku soo gabagabeysay guul ka dib markii ay 3-1 ku garaaceen kooxda Lyon oo ay kula ciyaareen magaalada Geneva.

Reds ayaa soo gabagabeysay afar kulan oo bilaa guul ah waxaana ay sarre u qaadeen kalsoonidoo ka hor kulanka koobka Community Shield ee ay Axada la ciyaarayaan Manchester City.

Ugu dambeyn

Kooxda Real Madrid ayaa wadada guusha ku soo laabatay ka dib markii ay 5-3 ku garaaceen kooxda Fenerbahce kulankii labaad ee tartanka saaxiibtinimo ee Audi Cup oo ka dhacay magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Los Blancos ayaa kulankoodii ugu horeysay ee Audi Cup waxaa 1-0 kaga soo badisay kooxda Tottenham ka dib gool uu ka dhaliyay Harry Kane, taasoo cadaadiska ku soo kordhisay tababare Zidane oo kooxdiisa ay isbuucii hore guuldarro ceeb ah oo 7-3 ay ka soo gaartay Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here