DEG DEG: Manchester United Oo Ugu Danbeyn Heshiis Rikoor 85 Milyan Ah Kula Wareegtay Harry Maguire

0
58

Baladweyne(Radio Beerlula)- Manchester United ayaa dhameystirtay heshiis 85 milyan ginni oo ay kula soo wareegeyso daafaca dhexe ee Leicester City Harry Maguire, sida ay sheegayaan warar goordhow soo baxay.

Kooxda Red Devils ayaa in muddo ah raadineysay daafaca dhexe ee Ingariiska waxaana hore looga soo diiday dalab 70 milyan ginni oo ay ka gudbiyeen daafaca dhexe.

Warbixinadii shalay ay qoreen warbaahinta Ingariiska ayaa sheegayay in Man United ay dalab qaado ama ka tag ah u bandhigtay Leicester City iyadoo qiimaha dalabkaas uu ahaa 80 milyan ginni, waxaana qorshuhu uu ahaa inay la laabtaan dalabkooda maalinta Isniinta haddii aysan waqtigaas ka hor aqbalin kooxda Leicester.

Laakiin goordhaweyd ayaa la shaaciyay in Manchester United ay heshiis 85 milyan ginni ah la gaartay kooxda Leicester City oo ay kula wareegeyso daafaca dhexe Harry Maguire.

Heshiiskaan ayaa noqonaya rikoor adduun madaama lacagta 85ta milyan ginni ay Harry Maguire ka dhigeyso daafaca ugu qaalisan dunida isagoo jabiyay rikoorkii 75ta milyan ginni ee ay Liverpool ku iibsatay Virgil van Dijk.

Harry Maguire waxa uu noqonayaa saxiixii seddexaad ee xagaagan ay la soo wareegto Manchester United ka dib Aaron Wan-Bissaka iyo Daniel James.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here