Diyaarad isticmaashay waddada baabuurta oo lagu qabtay Washington

0
47

Baladweyne(Radio Beerlula)- Diyaaradda oo ahayd nooca yar yar ayaa cago dhigatay waddo ku taalla gobolka Washington ee dalka Mareykanka, kadibna waxaa duuliyihii looga baahday inuu booliska ilaalada waddooyinka sharraxaad siiyo.

Mid ka mid askarta loo yaqaanno taraafikada, oo ka howl gala Washington ayaa la kulmay shaqo maalmeed lama illoobaan, ka dib markii uu arkay diyaarad isticmaaleysa jidka gaagiidka.

Askarigan ayaa eryaday diyaaraddaasi oo si lama filaan ah ugu dagtay jid aad u mashquul badan oo ay gawaari badan isticmaalayeen.

Muuqaal lagu shaaciyay bogga BBC-da ayaa laga arkayaa askariga oo markii uu u yimid diyaaradda garaacaya daaqaddii duuliyaha.

“Fadlan i tus shatigaaga iyo sharciga diiwaan galinta?”

Su’aashan ayaa sida caadiga ah waddooyinka lagu weydiiyaa darawaliinta gaadiidka, marka ay khaladaadka kala duwan sameeyaan.

Duuliyihii diyaaraddaas ayaa si deg deg ah u dajiyay sababo la xiriira shidaalka oo ka go’ay awgiis.

Ma jirin cid ay waxyeello kasoo gaartay dhacdadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here