Miyuu Paul Pogba Weli Doonayaa Inuu Ku Biiro Real Madrid Xagaagan?

0
81

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wargeyska Faransiiska ee L’Équipe ayaa sheegaya in Paul Pogba uu weli qorsheynayo inuu ku biiro Real Madrid xagaagan, inkastoo uu si buuxda uga qeyb qaatay kulamadii saaxiibtinimo ee kooxda Manchester United.

Jariirada ayaa sheegeysa in Manchester United ay ku dhow dahay labo saxiix: Sergej Milinkovic-Savic (Lazio) iyo Bruno Fernandes (Sporting Lisbon) laakiin wax walba waxa ay ku xiran tahay waqtiga la heysto.

Xaalada Paul Pogba waxa ay la mid tahay tan xiddiga Paris Saint-Germain ee Neymar, waxa uu doonayaa inuu ku biiro koox aan wali dalab rasmi ah ka soo gudbinin.

Qorshaha Los Blancos ayaa ah inay isku dayaan in Red Devils ay ku qasbanaato inay iska iibiso xiddiga aan dooneynin inuu sii joogo kooxda taasoo keeni karta in qiimihiisa hoos u dhigaan, waana sababta aysan Real Madrid weli ugu dhaqaaqin xiddiga Faransiiska.

Qiimaha Paul Pogba ayaa si kastaba la filayaa inuu noqdo 150 milyan euro, waxaana Real Madrid ay ka warqabtaa haddii ay xiddigaan si dhab ah u doonayaan inay dalab rasmi ah ka gudbiyaan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Ingariiska 8da bisha Agoosto.

Real Madrid ayaa weli la wareegi karta xiddiga Faransiiska ka dib marka uu xirmo suuqa kala iibsiga Ingariiska madaama suuqa kala iibsiga Spain uu xirmayo 2da September.

Sidaasi darteed Man United ciyaaryahan waa laga iibsan karaa ilaa mudadaas laakiin waxa ay ku xiran tahay inay marka hore isbuucaan dhameystiraan saxiixyada xiddigaha khadka dhexe Sergej Milinkovic iyo Bruno Fernandes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here