RASMI: Daafacii Lala Xidhiidhinayay Arsenal, Man City & Tottenham Ee Dani Alves Oo Koox Cusub Ku Biiray

0
27

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda ree Brazil ee Sao Paulo ayaa si rasmi ah u shaacisay inay la saxeexatay daafacii dhawaan laga fasaxay Paris Saint-Germain ee Dani Alves kaas oo lala xidhiidhinayay kooxo badan oo qaarada Yurub ah.

Alves ayaa kooxdan kasoo jeeda dalkiisa Brazil qalinka ugu duugay heshiis saddex sano ah kaas oo ilaa badhtamaha 2022 kusii hayn doona isla kooxdaas sida la shaaciyay shalay oo khamiis ahayd.

36 jirkan oo markii ugu horreysay ee uu Yurub yimaado kooxda Sevilla kaga soo biiray dhinaca kooxda Bahia ayaa ahaa mid xor ah kaddib laba sano oo uu lasoo qaatay Paris Saint-Germaain.

Alves ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay kamid tahay kooxdiisii hore ee Barcelona si lamid ah kooxaha Premier League ee Arsenal, Manchester City iyo Tottenham.

Mid kamida sababaha uu Alves u doortay kooxda Sao Paulo ayaa ah inuu isha ku hayo ka qayb qaadashada koobka aduunka ee 2022 Qatar lagu qaban doono walow ay adagtahay oo uu wkhtigaas 39 jir ahaan doono.

Alves ayaa wacdarro kasoo dhigay tartankii Copa America ee dhawaan ka dhacay Brazil isaga oo xulkiisa ku hoggaamiyay koobkaas isla markaana loo doortay xiddigii ugu fiicnaa guud ahaan tartanka oo dhan.

Warkan ayaa ah mid aan u fiicnayn kooxihii doonayay gaar ahaan kuwa Premier League oo rabay inay markii ugu horreysay abid Alves ka ciyaarsiiyaan horyaalkaas oo ay khibradna ku daraan safafka kooxdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here