Mid ka mida bar-tilmaameedyada suuqa ee Real Madrid

0
63

Baladweyne(Radio Beerlula)- Khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Donny Van De Beek ayaa si cad uga hadlay wararka la xidhiidhinaya kooxda ree Spain ee Real Madrid taas oo ilo wareedyo kala duwani ay xusayaan inay saxeexiisa u dhaqaaqi doonto maalmaha soo socda.

Dhawaan ayay soo baxeen warar sheegaya in Real Madrid ay u hawl-gali karto soo xero galinta Van De Beek haddiiba ay ku dhibtooto inay lasoo saxeexato khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba.

Real Madrid ayaa suuqa xagaagan kala soo saxeexatay shanta xiddig ee kala ah Eden Hazard, Luka Jovic, Ferland Mendy, Rodrygo iyo Eder Militao iyaga oo ugu qiimaysan wax ka badan 300 Milyan.

Iyadoo ay sidaas tahay ayayna dhammaan shantaas xiddig ku filnayn kooxda tababare Zinadine Zidane kaddib bandhig xumo ay soo muujiyeen kulamadii ka horreeyay xilli ciyaareedka.

Haatan Los Blancos oo aah wali suuqa ka faaruqin ayay baahidooda ugu weyni tahay saxeexa khad dhexe, Ujeedkooda koowaad ayaa ah Paul Pogba balse Van De Beek ayaa ah qorshahooda labaad.

Si kastaba, Haatan ayuu Donny Van De Beek qirtay inuu jiro xiiso uga imanaya Los Blancos balse ay waxkasta sidoodii hore yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here