Hordhac: Gaadiidka iyo Buullada oo galabta ku ciyaari doona garoonka Laqanyo ee Baladweyne

0
74

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxaha Gaadiidka iyo Buulada ayaa galabta ciyaaraya kulankoodii ugu horeeyay tartanka kubada cagta Faarax Gubadleey ee degmada Baladweyne.

Labada Kooxood ayaa ka wada tirsan  Group B waxaana ay wadeen isu diyaarin adag tan iyo markii uu furmay Tartankan.

Gaadiidka iyo Buulada ayaa garoonka Laqanyo soo wada gali doona saacadda marka ay tahay abaaro 4:00 galabnimo.

Labada koxood ayaa ciyaaraya Group,ka B kulankoodii ugu horeeyay kadib markii ay soo wada ciyaareen kooxhii ku jiray Group A.

Kooxaha waabari iyo Baladweyne  City ayaa bareejo 0-0 ah galay halka Gana ay SYL ku garaacday 2-0.

Afartaasi kooxood ayaana ka wada tirsanaa Group,ka A.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here