Hordhac: Liverpool Vs Man Ciyt: Reds & Citizen oo markii ugu horaysay isaga horIman doona Community Shield-ka

0
71

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa kulan xiiso leh isaga hor iman doona garoonka Wembley kana tirsan koobka Community Shield-ka ahna kulanka ay labada kooxood ku furan doonaan xilli ciyaareedkooda cusub.

Inkasta oo uu kulanku yahay mid lagu guulaysan doono koob weyn hadana xafiiltanka xilli ciyaareedkii hore ka dhexeeyay labada kooxood ayaa xiiso gaar ah u yeelaya kulanka.

Kooxda Liverpool ayaa markii 22-aad ee taariikhdeeda ka soo muuqdan doonta kulanka Community Shield-ka iyada oo kaliya kooxda Man United oo 31 jeer ka soo muuqatay ka badan tahay.

Dhanka kale kooxda Man City ayaa markii 12-aad iyo markii 2-aad ee taariikdooda ka soo muuqan doonta taariikhda tartanka Community Shield-ka.

Kulanka: Liverpool Vs Man City

Tartanka: Community Shield

Wakhtiga: 5:00 Galabnimo

Garoonka: Wembley Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa ah markii ugu horaysay ee ay kooxda Man City iyo Liverpool isaga hor iman doonaan koobka Community Shield , markii kaliya ee hore ee ay labada kooxood isaga hor yimaadeen Wembley waxa ay ahayd 2016 markaas oo ay wada ciyaareen Finalka League cup-ka iyada oo Man City rikoodhayaal 3/1 ah ku badisay kadib 1/1 ay ku kala bexeen ciyaarta.

Man City ayaa badisay kaliya 2 kulan oo ka mid ah 12-kii kulan ee ay la kulmeen Liverpool 3 bar-baro iyo 7 guuldaro ayay la kulmeen tartamada oo dhan.

Markan aya noqon doonta markii 7-aad ee casriga Premier League in koox laba Jeer ku guulaystay horyaalka la kulanto kooxda kaalinta 2-aad ka gashay horyaalka kuna kulmeen Community Shield-ka sanadihii hore kooxdii kaalinta 2-aad gashay ayaa 2 jeer ku guulaystay 3-dii jeer ee hore.

Liverpool ayaa Community Shield-ka ka soo muuqan doonta markii ugu horaysay tan ilaa 2006 markaas oo ay wajeheen Chelsea kuna garaaceen 2/1 halka uu Community Shield-kan yahay midkii ugu horeeyay ee ay ku ciyaareen Wembley tan ilaa 1992 markaas oo ay guuldaro 4/3 ah kala kulmeen Leeds.

Tartamada oo dhan Man City ayaan wax guuldaro ah la kulmin 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay Wembley Stadium 6 guul iyo 1 bar-baro ayay galeen tan ilaa markii ay Guuldaro kala kulmeen Arsenal Semi-finalkii FA Cup-ka sanadkii 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here