Kulamadii Saaxiibtinimo ee xalay dhacay

0
36

Baladweyne(Radio Beerlula)- Manchester United ayaa guul ku soo xirtay ka qeyb qaadashadeeda tartanka saaxiibtinimo ee International Champions Cup ka dib markii ay rigoore 5-4 kaga badiyeen kooxda AC Milan ka dib markii barbaro 2-2 ay ku kala baxeen 90ka daqiiqo ee ciyaartii xiisaha laheyd ee ka dhacay magaalada Cardiff ee dalka Wales.

Manchester United waxa ay haatan isku diyaarineysaa kulanka furitaanka Premier League ee ay Axada soo socota la ciyaari doonaan Chelsea iyadoo kulankaas uu ka dhici doono garoonkooda Old Trafford.

Dhan kale.

Kooxda chelsea ayaa Bar-baro ku soo xidhatay kulamada saaxiibtinimooyinkadi kadib markii ay bar-baro kala kulmeen kooxda reer Germany ee Borussia Monchengladbach.

Kulanka ayuu Frank Lampard ku soo galay shax adag xilli uu xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante markii ugu horaysay u ciyaaray kooxda chelsea isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here