Manchester City oo ku guuleystay koobka FA Community Shield kadib markii ay garaacday Liverpool

0
65

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa difaacatay koobka FA Community Shield kaddib markii ay rigooreyaal kaga adkaatay Liverpool, waxaana ay ku guuleysteen koobkan markoodii lixaad.

Kooxda ku soo guuleysatay Premier League ee Man City iyo kooxda soo hanatay koobka horyaallada Yurub ee Champions League ayaa isku qabtay garoonka Wembley, halkaasoo ay kuwada ciyaareen koobka Community Shield.

Kulanka ayaa ku bilowday dardar labada dhinac ah, iyadoo Man City ay goolka la horreysay iyadoo uu dhaliyey 12’daqiiqo Sterling kaddib markii uu kubbad ka dhex dusiyey labada lugood ee goolhayaha Liverpool.

Tababare Pep Guardiola kooxda uu hoggaamiyo ayaana ciyaarta ku hoggaaminaysay 1-0 markii la kala nastay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay kooxda Liverpool ayaa dardar la soo laabtay waxaana ay la yimaadeen goolka barbaraha oo uu dhaliyey 78’daqiiqo Matip kaddib markii uu Madax ku dhaliyey kubbad uu caawinteeda lahaa Virgil.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday barbaro 1-1 waqtigii loogu talo galay waxaana loo baahday in labada dhinac lagu kala saaro gool ku laadyo, iyadoo rigooreyaashii la dhigay ay 5-4 ku adkaatay kooxda Manchester City.

Manchester City ayaana difaacatay koobka Community Shield oo sanadkii horena ay ka qaadeen Chelsea, iyadoo  Pep Guardiola kooxdiisa ay sidaas ku noqotay kooxdii ugu horreysay ee Ingiriis ah oo afar koob oo maxali ah ku guuleysata sanad gudihiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here