Tartanka isdhaxgalka xaafaddaha Baladweyne oo la daah furay.

0
29

Baladweyne(Radio Beerlula)- Boqolaal shacab ah oo kala tageersana labada kooxeed ayaa u soo dawasho tagay tartanka isdhaxgalka afarta xaafadood ee magaalada Baladweyne oo ka furmay xarunta shantarka.

Tartankan ayaa lagu daah furay kooxaha Kooshin A iyo Xaawo Taako A iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar xiise badan, waxana ciyaarta ay ku soo dhamatay  barbaro 4-4.

Guddoomiyaha  xiriirrka kubadda cagta degmada Baladweyne Abshir Xaashi Weheliye ayaa sheegay in tartankan loogu talo galay isdhaxgalka afarta xaafadood ee magaalada Baladweyne islamarkana koox kasta ay dheeli doonto saddex jeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here