Arsenal oo xaqiijisay Inay Iibiyeen Kabtankoodii Laurent Koscielny

0
28

Baladweyne(Radio Beerlula)- Laurent Koscielny ayaa ugu danbeyn helay wixii uu doonayay isagoo ka tagay kooxda Arsenal kooxda dalkiisa Faransiiska ee Bordeaux.

Kabtanka Gunners ayaa diiday inuu kooxda u raaco safarkii ay xagaagan ku tageen Mareykanka isagoo doonayay inuu dib ugu laabto dalkiisa Faransiiska laakiin Gunners ayaa diiday inay si bilaash ah ku fasaxdo madaama hal sanno ay uga harsaneyd qandaraaskiisa Emirates Stadium.

Koscielny ayaa mar walba ku adkeysanayay in si lacag la’aan ah lagu fasaxo waxaana sheegashadiisa ku taageeray saaxiibkiisii hore ee Gunners Olivier Giroud laakiin madaxda Arsenal ayaa ka xanaaqay habdhaqankiisa waxaana ay ku qasbeen inuu tababar la qaato kooxda juunyeerka.

33 jirkaan ayaa si uu uga tago kooxda waxa uu diyaar u ahaa inuu burburiyo xiriirkii uu mudadii sagaal sanno aheyd ku soo dhisay Waqooyiga London laakiin Arsenal ayaa dhabar adeyg muujisay waxaana ay ugu danbeyn ku iibiyeen heshiis 5 milyan euro ah oo uu si rasmi ah haatan ugu biiray kooxda Bordeaux.

Kooxda kale ee ka dhisan horyaalka Faransiiska ee Rennes ayaa iyagana xiiseynayay daafaca dhexe kaasoo Arsenal u ciyaaray 353 kulan isagoo seddex jeer la qaaday FA Cup laakiin waxaa sannadihii u danbeeyay wareeriyay dhaawacyo.

Dhaawac muruqa ah oo soo gaaray ayaa sababay in daafaca uu seego Koobkii Adduunka ee ay xulkiisa France ku guuleysteen xagaagii, waxaana ay keentay inuu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah isagoo France u saftay 51 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here