Emery oo ka hadlay wararka la xiriirinaya Lucas Torreira inuu dib ugu laabanayo horyaalka Talyaaniga

0
82

Baladweyne(Radio Beerlula)- Macalinka kooxd kubadda cagta ee Arsenal Unai Emery ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Uruguay ee Lucas Torreira uu sii joogi doono Emirates Stadium xili ciyaareedka soo socda.

Waxaa dhawaanahan soo baxayay warar la xiriirinaya Lucas Torreira inuu ka tagayo kooxda reer London ee Arsenal inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, si uu ugu biiro koox kale ee cusub.

Kooxda reer Talyaani ee AC Milan ayaa wadahadalo kula jirtay 23 jirkan reer Uruguay bilowgii xagaagan, laakiin wadahadalada ayaa fashilmay sida laga soo xigtay saxaafadda Talyaaniga.

Si walba ha noqotee, tababare Unai Emery oo la hadlayay saxaafada ayaa wuxuu xaqiijiyay in Lucas Torreira uusan meel kaga soconin kooxda Arsenal wuxuuna yiri:

“Maya, Lucas Torreira iib ma ahan, wuxuu kusii nagaan doonaa kooxda”.

“Torreira wuxuu ka mid yahay ciyaartooyda ugu muhiimsan ee aan kooxda kiu dhisi doono, sidaas darteed ma bixi doono”.

Hadalkan kasoo yeeray macalinka reer Spain iyo kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa soo afjaray wararka xanta ah ee Lucas Torreira la xiriirinayay inuu markale dib ugu laabanayo horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here