Kooxda Juventus oo soo bandhigtay maaliyaddeeda saddexaad oo ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub

0
63

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Juventus ee ka dheesha horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga ayaa maanta soo bandhigtay maaliyaddeeda saddexaad oo ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub.

Juve waxa ay maanta shaacisay maaliyaddeeda saddexaad oo ay ku dheeli doonto fasal ciyaareedka cusub ee 2019/20.

Labiskan cusub oo ay kooxda Juventus ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub waxaa farsameysay shirkadda qalabka isboortiga ee Adidas.

Soo bandhigtista maaliyaddan cusub ee Juventus waxaa ka qeyb qaatay Giorgio Chiellini, Cristiano Ronaldo iyo Paulo Dybala oo si xooggan loola xiriirinayey inuu ka tagayo Magaalada Turin.

Maaliyaddaan saddexaad ayaa midabkoodu yahay Buluug diilimo caddaan ah leh, iyadoo maaliyadda ay shafka kaga qoran yihiin magaca shirkadda ay xayeysiiyaan ee Jeep, astaanta kooxda iyo midda shirkadda Adidas.

Kooxda ka arrimisa garoonka Juventus ayaa horay u soo bandhigtay maaliyadda ay Minin iyo Marti ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub ee 2019/20.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here