Kulamada Galabta laga ciyaaray tartamada ka socda Baladweyne

0
79

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tartanka isdhaxgalka afarta xaafadooda ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa galabta wada ciyaaray kooxaha Kooshin B iyo Howlwadaag B.

Kooxda Howlwadaag B ayaa 7:5 kaga badisay Kooshin B, iyadoo labada kooxood ayaa soo bandhigeen ciyaar xiise badan.

Dhanka kale kooxaha Al Ahli iyo Al-Hilaal ayaa galabta wada ciyaaray tartanka loogu magac daray Korneel Faarax Gubadley kaasoo ka socda garoonka Laqanyo ee magaalada Baladweyne.

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 0 iyo 0.

Boqolaal shacabka ayaa galab kasta ciyaaraha u daawasha taga iyadoo dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ah ay madadaalo u noqotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here