RASMI: Gary Cahill oo ku biiray koox cusub ee horyaalka Premier League ah

0
72

Baladweyne(Radio Beerlula)- Crystal Palace ayaa ku shaacisay Web site-keeda rasmiga ah inay la saxiixatay kabtankii hore kooxda Chelsea Gary Cahill.

Kooxda Crystal Palace ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku shaacisay in daafacii hore xulka qaranka England oo haatan da’adiisu ay tahay 33 jir uu u saxiixay heshiis cusub oo 2 sano ah.

Gary Cahill ayaa beeca xurta ah ugu biiray Crystal Palace, kaddib markii uu dhamaaday heshiiskiisa kooxda Chelsea bishii June ee lasoo dhaafay, kaddib mudo dhan 7 sano iyo bar uu joogay garoonka Stamford Bridge.

Macalinka kooxda Crystal Palace Roy Hodgson ayaa kaddib heshiiska cusub uu  saxiixay Gary Cahill wuxuu sheegay:

“Waan ku faraxsanahay in Gary Cahill uu nagu soo biiray, waa ciyaartoy kubadda cagta ee aad u fiican, wuxuu leeyahay khibrad badan oo caalami ah iyo mid gudaha ah.”.

Dhinca kle Gary Cahill ayaa dhankiisa ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu u saxiixay heshiiska cusub kooxda Crystal Palace wuxuuna yiri:

“Waxaan doonayaa inaan dheereysto mustaqbalkeyga inta aan awoodo, haatan waxaan dareemayaa wanaag, waxaana soo bandhigi karaa 100% koox kasta oo aan la ciyaaro”.

Mar wax laga weydiiyay u dhaqaaqistiisa kooxda Crystal Palace iyo waxa uu ku soo bandhigi karo, wuxuu ku jawaabay:

“Waxaan rajeenayaa in howlgalkeyga halkan uu fiicnaado, isla markaana ay ku qancaan macalinka, saaxiibadeey iyo taageerayaasha kooxda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here