Toni Kroos oo ka hadlay qaab ciyaareedka Kooxda Real Madrid

0
29

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Real Madrid ayaa ku soo buuxisatay weerarkeeda suuqan xagaagan xiddig reer Serbia ee Luka Jović, kaasoo tayadiisa ku muujiyay xiliyadii lasoo dhaafay kooxdiisii hore Eintracht Frankfurt ee dalka Jarmalka.

Hadaba xiddiga khadka dhexe reer Germny ee Toni Kroos ayaa muujiyay sida uu ugu farxsan yahay imaatinka Luka Jović ee kooxda Real Madrid wuxuuna yiri:

“Luka Jović si fiican ayuu ula qabsaday kooxda, balse wuxuu la kulmay xoogaa nasiib daro ah, kaddib dhaawac xili hore soo gaaray, balse waa dooq aad u fiican, wuxuuna naga caawin doonaa inaan goolal badan dhalino, taasina waa wax isaga u fiican”.

Intaas kaddib Toni Kroos ayaa wuxuu ka hadlay aragtidiisa kaga aadan kooxda Real Madrid kahor bilaabashada xili ciyaareedka cusub wuxuuna yiri:

“Waxaan dooneynaa inaan ciyaarno kubadda cagta ee aad wanaagsan isla markaana dhaqaaq leh, tani waa muhim, inta kale ee soo hartayna wey iska imaan doonaan, haddii aan sifiican u ciyaarno, waxaan u tartami doonaa koobab”.

Intaas kaddib xiddiga reer Germany ayaa wuxuu ka hadlay farqiga u dhexeeyay kooxdii Real Madrid uu Zidane ka tagay May 2018 iyo marka uu dib u soo laabtay Maarso 2019.

“Ma fududa in la soo celiyo kooxdii uu ka tagay Zidane, way adagtahay in la gaaro isla heerkaas maxaa yeelay kooxdeena markii uu Zidane soo laabtay bishii Maarso 2019, waxay ku jirtay xaalad ka duwan markii uu ka tegay May 2018”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here