Ciyaaryahankii hore ee kooxaha Manchester United iyo Atletico Madrid oo ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba ka fariistay ciyaarista kubadda cagta

0
64

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiddiga reer Uruguay kaasoo u soo ciyaaray Kooxda Manchester United iyo Atletico Madrid ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay gabi ahaanba kubadda cagta.

Ciyaaryahakii hore ee Uruguay iyo Manchester United ee Diego Forlan ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay xirfaddiisa sare ee ciyaarista kubadda cagta.

40-sano jirkaa Forlan kaasoo kulankiisii ugu dambeeyey ciyaaray bishii May ee sanadkii la soo dhaafay waxa uu iska siibay kabihiisa ciyaaraha.

Weeraryahankan kaasoo sidoo kale u soo ciyaaray kooxaha Inter iyo Villarreal si la mid ah kooxda reer Spain ee Atletico Madrid intii lagu guda jiray muddooyinkii ugu dambeeyey xirfaddiisa ciyaareed ee Yurub ayaa xaqiijiyey inuu ka baxay ciyaaraha.

“Ma’ahayn mid sahlan, ma doonayn inuu waqtigaan yimaado, laakiin waan ogaa inuu imaan doono” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Forlan isagoo u warmayey Telemundo.

“Waxaan go’aansaday inaan joojiyo ciyaarista xirfadlenimo ee kubadda cagta.”

Forlan ayaa xirfaddiisa sare ee kubadda cagta ka soo bilaabay kooxda Independiente ee dalka Argentina ka hor inta uusan ku soo biirin kooxda Manchester United bishii Janaayo ee sanadkii 2002.

Waxa uu kula guuleystay kooxda Manchester United horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2002-03 iyo FA Cup-ka ka hor inta uusan ku biirin naadiga Villarreal sanadkii 2004.

Forlan ayaa waqti wacan ku qaatay horyaalka La Liga waxaana uu dhaliyey 128 gool 240 kulan oo horyaalka u ciyaaray kooxaha Villarreal iyo Atletico Madrid, waxaana uu sidoo kale ka caawiyey Atletico ku guuleysiga koobka Europa League xilli ciyaareedkii 2009-10.

Xilli ciyaareedkiisa ugu fiican ee Yurub ayuu ku qaatay kooxda Atletico Madrid intii lagu guda jiray kal ciyaareedkii 2008-09, markaasoo uu u dhaliyey 32 gool oo horyaalka ah 33 kulan oo uu u saftay kooxdaas, markaasoo uu Sameul Eto’o oo ka tirsanaa Barcelona iyo David Villa oo metelayey Valencia ka qaaday gooldhalinta horyaalka La Liga.

Kaddib waqti yar ayuu ku qaatay Inter Milan, sidoo kale waxa uu u soo ciyaaray kooxaha Internacional, Cerezo Osaka, Penarol, Mumbai City iyo Kitchee intii lagu guda jiray xirfaddiisa ciyaareed.

Forlan ayaa sidoo kale lagu xusuusan doonaa inuu yahay mid ka mid ah weeraryahannada ugu weyn Uruguay, kaddib markii uu xulkiisa qaranka u dhaliyey 36 gool 112 kulan oo uu u saftay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here