DEG DEG: Philippe Coutinho Oo Iska Diiday Mid Ka Mid Ah Kooxihii Waqooyiga London Ee Amaahda Ku Doonayay

0
30

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee kooxda Barcelona Philippe Coutinho ayaa iska diiday heshiis amaah ah ee ay ku dooneysay mid ka mid ah kooxaha Premier League ee ka dhisan Waqooyiga London.

Sida ay goor dhaweyd shaacisay Sky Sports News Coutinho ayaa diiday heshiiskii amaahda ahaa ee ay ku dooneysay kooxda Tottenham kuwaasoo Arsenal kula tartamayay saxiixa ciyaaryahanka.

Arsenal ayaa weli rajo ka qabta saxiixa ciyaaryahanka laakiin Tottenham waxa ay kala kulantay diidmo iyagoo haatan xooga saari doona heshiiska ay ku doonayaan xiddiga Juventus Paulo Dybala.

Sida ay sheegtay Sky Sports News ciyaaryahanka iyo Barcelona labaduba waxa ay doonayaan heshiis joogta ah marka loo eego heshiiska amaahda ee kooxaha Premier League xiiseynayaan.

Waxaana telefishinka ka howlgala Ingariiska ee Sky Sports uu sheegayaa inay haatan u muuqato mid aan suurtogal aheyn in ciyaaryahanka uu yimaado Premier League madaama Barcelona ay ku dooneyso 80 milyan ginni.

Suuqa kala iibsiga Ingariiska ayaa xirmaya habeen danbe oo Khamiis ah, waxaana Arsenal ay heysataa maanta ilaa iyo berri inay uga dhaadhiciso Coutinho iyo Barcelona heshiiska amaahda ay dooneyso.

Philippe Coutinho ayay u badan tahay inuu xagaagan ka tagayo kooxda Barcelona ka dib markii uu fashilmay Camp Nou tan iyo markii uu heshiis 142 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here