RASMI: Alex Iwobi oo ka tagay kooxda Arsenal

0
23

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta ee Everton ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska xiddiga reer Nigeria iyo naadiga Arsenal ee Alex Iwobi.

Sida laga soo xigtay website-ka rasmiga ah ee kooxda Everton xiddiga heerka caalami ee reer Nigeria ayaa saxiixay heshiis 5 sano ah kaasoo gaaraya ilaa iyo June 2024, iyadoo aan shaaca laga qaadin qiimaha uu heshiiska ku kacay.

Tababaraha kooxda Everton e Marco Silva ayaa kaddib heshiiska Alex Iwobi wuxuu yiri:

“Alex Iwobi wuxuu ahaa mid ka mid ah himilooyinkeena ugu sareeya ee dhanka suuqa kala iibsiga, waxaan u maleynayaa inuu wax weyn u soo kordhin doonto kooxda”.

“Wali waa ciyaaryahan da’ayar ah, laakiin wuxuu leeyahay qibrad weyn isagoo ciyaaray 100 kulan oo horyaalka Premier League ah”.

“Waxay ahayd inaan ku darno magac kale hubkeena dhanka weerarka si uu kaga garab ciyaaro xiddigaha sida Richarlison, Bernard iyo Theo Walcott”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here