Wajiga koowaad ee tartamadii ka socday Baladweyne oo la soo afjaray iyo natiijada ciyaarihii galabta dhacay

0
54

Baladweyne (Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu soo afmeeray wajiga koowaad ee tartamadii ka socday magaalada.

Tartanka loogu magac daray Korneel Faarax Gubadley oo ay ka qeyb galayaan 16 kooxood ayaa waxaa soo dhamaday wareejigii koowaad iyadoo lagu wado in la sameeyo wareega labaad.

Kooxaha Rugsan iyo Bacaadaha ayaa galabta wada ciyaaray kama dambeysta wajiga koowaad ee tartanka Faarax Gubadley iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay3-2 waxana saddexda ku badisay Rugsan.

Sidoo kale kooxaha Buundo weyn iyo Xaawo Taako ayaa galabta wada ciyaaray waxana ciyaarooda ku soo dhamatay barbaro 5-5 ah.

tartanka is dhaxgalka afarta xaafadood ee magaalada Baladweyne ayaa maalinta beri ah laga nasan doonaan sidoo kale tartanka Faarax Gubadley ayaa laga nasan doonaa muddo saddex maalmood ah sida guddiga ay Radio Beerlula u sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here