Magaalada Baladweyne oo maanta looga dabal degay munaasabadda ciidul Adxa.

0
62

Baladweyne(Radio Beerlula)- Boqolal shacab ah oo kala yimid xaafaddaha magaalada Baladweyne ayaa maanta salaadda ciida ku tukaday barxadda iskuulka Xaawo Taako.

Qaar ka mid ah shacabka salaadda ku tukaday barxadda iskuulka Xaawo Taako oo la hadlay Radio Beerlula ayaa hambalyo u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan dadka muslimiinta.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo la hadlay radio Beerlula ayaa shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa waxana uu ka dalbaday inay ka shaqeeyaan nabad galaya islamarkana ay is caawiyaan.

Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here