Aubemayang oo ka caawiyay Arsenal Inay guul ku bilaabato xilli ciyaareedka Premier League

0
32

Baladweyne(Radio Beerlula)- Arsenal ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka Premier League ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Newcastle oo marti loogu ahaa garoonka St James Park, iyadoo tababare Unai Emery uu kursiga keydka ku soo wada bilaabay dhamaan saxiixyadiisii xagaaga.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa daqiiqadii 20aad heshay kooxda martida loo ahaa ee Newcastle markii Shelvey uu kubada ku dhex helay xerada ganaaxa isagoo si fiican koontaroolay ka hor inta uusan darbi awood leh ku tuurin goolka uu Leno waardiyaha ka ahaa laakiin kubada ayaa ku dhacday birta goolka.

Seddex daqiiqo ka dib kubad gool loo fishay ayaa Monreal uu u dhigay Mkhitaryan oo gool hor taagnaa laakiin xiddiga khadka dhexe ee Armenia ayaa kubada cirka mariyay mana aheyn wax laga filayay.

Daqiiqadii 27aad Newcastle ayay fursad soo martay mar kale ka dib markii Joelinton oo ay hor taagan yihiin dhowr ciyaartoy oo Arsenal ah uu darbo fiican ku tuuray goolka laakiin waxaa badbaadiyay goolhaye Leno.

Arsenal ayaa fursadii ugi fiicneyd ee qeybtii hore waxa ay soo martay daqiiqadii 32aad markii Mkhitaryan uu kubad fiican u qaaday Aubameyang laakiin darbadii xiddiga reer Gabon waxaa badbaadiyay goolhayaha Newcastle. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

 Maitland-Niles ayaa garabka bidix kubada uga dafay xiddig Newcastle ah waxaana uu durbadiiba kubad u soo qaaday Aubameyang oo xerada goolka sii galayay, Aubameyang ayaa hal taabasho ku koontaroolay ka hor inta uusan ka dulqaadin goolhaye Dubravka oo ku soo baxay isagoo hogaanka u dhiibay Gunners.

Tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeysay ee Premier League u saftay Arsenal bishii Fabraayo 2018, kaliya Mohamed Salah (36) ayaa dhaliyay goolal ka badan inta uu tartankaan ka dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang (33).

Goolka ka dib waxaa Arsenal bedel ugu soo galay Nicolas Pepe iyo Dani Ceballos oo ciyaarayay kulankoodii ugu horeysay ee Arsenal. Halka saxiixa kale ee cusub Gabriel Martinelli uu isna soo galay dhamaadkii ciyaarta.

Seddexaad xiddig ayaa noqday ciyaartoydii 199aad, 200aad iyo 201aa dee Arsenal u dheela horyaalka Premier League.

Ciyaarta waxa ay ku soo idlaatay 1-0 oo ay Arsenal guusha ku garaacday, waxaana tababare Emery uu ku bilowday guul inkastoo uu keydka ku soo wada bilaabay xiddigihiisa waa weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here