Hordhaca-Kulanka Kooxaha Kooshin A iyo Bunda-weyn B ee tartanka isdhaxgalka afarta Xaafadood ee Baladweyne

0
63

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tartanka is dhaxgalka afarta Xaafadood ee magaalada Baladweyne ayaa wajigiisa labaad bilaabanaya Galabta iyadoo Dhawaan lasoo saaray isku aadka wajiga labaad  ee tartanka.

Kooxaha Kooshin A iyo Bunda-weyn B oo ku jira Groupka A ayaa maanta oo isniin ku balansan Xarunta Shantarka.

Taageerayaasha labada Xaafadood ee Ciyaaraya ayaa kawar sugaya natiijada ciyaartan.

Buunda-weyn B ayaa   wajigii koowaad ee tartankan Guuldaro kala soo kulantay Holwadaag B iyadoona lagu garaacay 5-7 ciyaar dhacday 6/8/2019.

Halka Kooshin A iyo Xaawo Taako A aay iguna Bareejo 4-4 ah isla Dhaafi waayay Ciyaar Dhacday 5/8/2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here