Munaasabadad loogu dabal degayo Ciidul Adxa oo lagu qabtay Baladweyne.

0
29

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maamulka gobolka Hiiraan kan degmada Baladweyne , ururada bulshada rayidka gobolka iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabal degayo munaasabadda ciidul adxa oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka gobolka Hiiraan iyo heeso kala duwan oo ay qaadayeen fanaanta Baladweyne.

Xubnaha ka qeyb galay munaasabadda ayaa guul u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed iyagoo ugu hambalyeeyay munaasabadda ciida.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde iyo guddoomiye ku xigeenka maaliyadda iyo siyaasadda Xassan Ibraahim Cabdulle ayaa shacabka ka codsaday inay ka shaqeeyaan midnimada iyo nabad galayada.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here