Qoysas ku nool Baladweyne oo loo qeybiyay deeq Hilib ah.

0
62

Baladweyne(Radio Beerlula)-In ka badan 400 oo ruux oo iskugu jira agoon iyo danyar islamarkana ku nool xaafaddaha magaalada Baladweyne  ayaa ka faa’ideystay   hilib kunton neef oo ari ah  oo ay soo sadaqeysteen dad ku nool dalka dibadiisa.

Mahad Ciidan Cismaan oo loo wakiishay qeybinta deeqdan Hilibka ayaa radio Beerlula u sheegay in qofkasta oo ka mid ah afarta  boqol ee ruux la siiyo hilib ceyriin ah.

Qaar ka mid ah dadka ka faa’ideystay oo la hadlay radio Beerlula ayaa ka mahad celiyay.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir  Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here