Culumaaudiinka iyo Ganacsatada Baladweyne oo isku afgartay in la qaato lacagta shilinka Soomaaliga.

0
52

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ganacsatada, culumaaudiinka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan oo kulan ku yeeshay magaalada Baladweyne ayaa isku afgartay in la qaato lacagta shilinka Soomaaliga oo muddo ka badan labo sano laga isticmaalin magaalada.

Xubnaha ka qeyb galay kulanka ayaa dhankooda ballan qaaday inay qaadan doonaan lacagta shilinka Soomaaliga iyagoo ka dalbaday shacabka ku  nool magaalada Baladweyne inay qaatan.

Isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga ayaa ka bilaabatay xaafaddaha Bundo weyn iyo Howlwadaag, waxana lagu wadaa in xaafaddaha kale ay ka bilaabato.

Soo celinta lacagta shilinka Soomaaliga iyo keenista lacagtan ayaa waxaa door muhiim ah ka qaatay ganacsatada magaalada Baladweyne.

Qoysaska danyarta ee ku nool Baladweyne ayaa sameyn weyn kala kulmay isticmaal la’aanta lacagta shilinka Soomaaliga.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here