In ka badan 300 qof oo lagu eedeeyay ugaarsiga Wiyisha oo lagu xiray Koonfur Afrika

0
24

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dowladda dalka Koonfur Afrika lagu qabtay 366 qof oo looga shakisan yahay inay ku howlanaayeen ugaarsiga sharci darrada ah ee xayawaanka Wiyisha tan iyo sannadkii lasoo dhaafay, sida laga soo xigtay warbaahinta News24 oo soo xiganeyso wasiirka deegaanka ee dalkaas.

Shan iyo toban kamid ah dadkan la xiray waxay kamid yihiin shaqaalaha seeraha duurjoogta ee Kruger.

Halka 7 qof oo kale lagu xiray seerayaasha kala ah Pilanesberg iyo Motala, sida ay sheegtay wasiirka arrimaha deegaanka ee Koonfur Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here