kulamada galabta lagu balansan yahay Baladweyne

0
26

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxaha Syl iyo Gana ayaa Galabta Ciyaaraya Tartanka Faarax Gubadleey iyadoo kooxda laga badiyo ay ka harin doonto tartanka.

Syl iyo Gana ayaa ku jira Groupka A oo shalay laga reebay kooxda Baladweyn City oo guul daro 2-1 ah kala kulantay dhigooda Waabari.

Kulankii ugu danbeeyay ee aay wada Ciyaaraan labadan kooxood ee galabta ku balansan Tartanka Faarax Gubadleey ee degmada Baladweyne waxaa 2-0 ku awood sheegatay Gana taas oo la micna ah in Syl galabta looga baahan yahay wax ka badan 2 Galool.

Kooxda Gana ayaa ku rajo weeyn in aay difaaca Xertaan maadaama wax kasta aay dhici karaan loogana badin karo 2 Gool  iyo ka badan.

Saacada labaasanyo    4:30

Groupka A.

Garoonka Laqanyo .

Sidoo kale Tartanka is dhaxgalka afarta Xaafadod ee magaalada Baladweyn waxaa isga hor-imaanaya galabta Kooxaha Xaawo Taako B iyo Holwadaag B.

Labadan Kooxood ayaa Ciyaaraya kulankoodii ugu horeeyay wajiga labaad ee Groupka B.

Holwadaag B ayaa  5-7  ku Xasuuqday Kooxda Kooshin B kulan Dhacay 6/8/2019 kana tirsanaa wajiga koobaad ee Tartankan.

Sidoo kale Kooxda Xaawo Taako B wajigii koowad waxaa aay Bareejo 5-5 la dhaafi weeysay Bunda-weyn A.

Saacada labaasanyo    04:30

Groupka A.

Goobta    Xarunta Shantarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here