Trump oo bartilmaameedsanaya muhaajiriinta saboolka ah ee sida sharciga ah ku joogo Mareykanka

0
89

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartilmaameedsanaya muhaajiriinta saboolka ah ee sida sharciga ah ku joogo dalkaas gaar ahaan marka ay timaaddo in wakhti dheeri ah loogu daro xilligga uu dhacayo dal-kugalkooda ama in degnaansho joogta ah laga siiyo Mareykanka.

Sharcigan ayaa waxaa uu beegsanaya muhaajiriinta in ka badan muddo sannad ah ku tiirsan adeegyada ay dowladda bixiso sida gargaarka cunnooyinka ah ama guryaha.

Sharcigan wax saameyn ah kuma yeelan doono muhaajiriinta degnaanshaha joogtada ah heysto,qaxootiga iyo dadka kale ee magangelyo doonka ah.

Dadka uu sida weyn bartilmaameedsanayo sharciga waxaa amid ah kuwa doonayo in wakhti dheeri ah loogu daro xilliga uu dhacayo dal-kugalka ama inay helaan sharciga dalkaas.

Dad lagu qiyaasay 22 milyan qof oo si sharci ah ku joogo dalka Mareykanka ma heystaan sharciga dalkaas, waxaa ay u muuqata in dad badan uu saameyn doono sharcigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here