HORDHAC: Chelsea vs Leicester City

0
42

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Chelsea ayaa maanta kulankeedii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan 2019-20 ku ciyaaraysa garoonkeeda Stamford Bridge iyada oo qaabili doonta kooxda Leicester City xilli ay labada kooxoodba raadinayaan guulahoodii ugu horreeyay ee horyaalka.

Kooxda Frank Lampard ayaa toddobaadkii koowaad guuldarro 4-0 ah kala soo laabatay Manchester United oo ay ku booqatay Old Trafford halka Foxes ay bareejo lasoo galeen Wolves.

Waxa bilaw adag qaadanaya tababare Lampard kaas oo kooxdiisu ay guuldarrooyin lasoo kulantay labadii kulan ee ugu horreeyay ee tartan ah ee uu hoggaamiyo.

Chelsea aya kulankii Old Trafford ugu yaraan 30 daqiiqo iyo ka badanba ahayd kooxda wanaagsan ee kulanka gacanta ku haysay balse khibrad yaraan xiddigaha weerarkiisa ah ayaa ku hoggaamisay in goolal rogaal celis ah lagu dilo.

Markale Blues ayaa Istanbul kula soo ciyaaray Liverpool iyaga oo gabi ahaanba kulankaas ka qabsaday Reds bandhig weyna dunida kaga yaabsaday balse waxa ugu dambayn UEFA Super Cup looga qaaday rigoorayaal.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Olivier Giroud oo bandhig wanaagsan kusoo sameeyay Istanbul ayaa la filayaa inuu kasoo hormaro Abraham kaas oo falal cunsuriyad ah la kulmay kaddib markii uu ahaa shaqsigii gool kulaadkii shanaad ka khasaariyay Blues.

Willian iyo Antonio Rudiger oo kulankii Arbacadii keydka ku jiray ayaan la filayn inay kusoo bilawdaan shaxda maadaama oo ay sii wadaan ka shaqaynta soo kabashadooda.

Dhinaca Leicester ayay u badantahay in tababare Rodgers uu hal bedel samayn doono isaga oo keydka ku celinaya Hamza Choudhury.

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD

Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Zouma, Christensen, Emerson; Kovacic, Jorginho, Kante; Pedro, Giroud, Pulisic

Leicester City: Schmeichel; Pereira, Evans, Soyuncu, Chilwell; Tielemans, Ndidi, Maddison; Barnes, Vardy, Albrighton

GAROONKA: Stamford Bridge

WAKHTIGA: 6:30 Fiidnimo ee wakhtiga geeska Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here