Tartanka loogu magac daray Faarax Gubadley ee ka socda Baladweyne oo maraya heer gabo gabo ah iyo kooxo laga suuliyay tartanka.

0
47

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta degmada Baladweyne ee Hirshabeelle Cabdicasiis Axmed Sheekh Jaaburi ayaa radio Beerlula u sheegay in meel wanaagsan uu marayo tartanka loogu magac daray korneel Faarax Gubadley ee ka socda garoonka Laqanayo islamarkana kooxaha qaar ay ka hareen tartanka.

Cabdicasiis Sheekh Axmed Jaaburi ayaa tilmaamay in tartankan uu kaalin weyn ka qaadanayo is dhaxgalka bulshada.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta degmada Baladweyne ee Hirshabeelle Cabdicasiis Axmed Sheekh ayaa radio Beerlula u sheegay in dhawaan ay qaban doonaan tababar  kor loogu qaadayo xirfadda macalimiinta, garsoorka iyo maamulada kooxaha gobolka Hiiraan.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here