Afar kooxood oo iskugu soo haray tartanka Faarax Gubadley ee Baladweyne

0
35

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta degmada Baladweyne ee Hirshabeelle Cabdicasiis Axmed Sheekh Jaaburi ayaa radio Beerlula u sheegay  in afar kooxood ay isugu soo hartay tartanka korneel Faarax Gubadley ee ka socda garoonka Laqanyo.

Cabdicasiis Sheekh Axmed Jaaburi ayaa tilmaamay in tartankan uu kaalin weyn ka qaadanayo is dhaxgalka bulshada isaga oo sheegay in marka  uu dhamaado koobkan ay qaban doonan horyaalka Baladweyne.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here