Man City oo Wadada Guusha Ku Soo Laabtay

0
37

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Manchester City ayaa ku soo laabatay wadada guusha ka dib markii ay 3-1 ku qaarjiyeen kooxda Bournemouth oo marti loogu ahaa ahaa garoonka Dean Court iyadoo Sergio Aguero uu labo gool dhaliyay, waxaana kooxda Pep Guardiola ay soo gashay kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

Josh King ayaa daqiiqadii ugu horeysayba tijaabiyay Manchester City iyadoo darbadiisa ay ku beegneyd goolhaye Ederson, halka Bernando Silva uu daqiiqadii 7aad isna u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibay Man City.

Waxaa City hogaanka u dhiibay Sergio Aguero oo si sahlan kubad u dhameystiray. Karoos uu soo dhigay Zinchenko ayaa waxaa si qaldan u darbeeyay De Bruyne laakiin kubada waxa ay u tagtay Aguero kaasoo hal mar taabtay ka hor inta uusan cagta bidix si baas ah u dhex dhigin shabaqa.

Waa goolkii 70aad ee uu garoon marti ah ku dhaliyo Sergio Aguero horyaalka Premier League, waxaana ay rikoorka goolasha martida ee Premier League isku mid yihiin Michael Owen balse waxaa weli ka horeeya Wayne Rooney (94), Alan Shearer (87), Frank Lampard (85) iyo Andy Cole (83).

David Silva oo isna ciyaarayay kulankiisii 400aad ee Manchester City ayaa ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto laakiin fursadiisa waa laga badbaadiyay.

Daqiiqadigii 37aad iyo 39aad ayay kooxda martida loo ahaa ee Bournemouth ay heleen labo fursadood oo cajiib ah, tan hore kubad foori gacan la daahiyay ayaa waxaa helay daafaca Nathan Ake iyadoo darbadiisa uu badbaadiyay goolhaye Ederson.

Fursadii labaad ayaa ka halis badneyd karoos uu soo dhigay Wilson ayaa waxaa xabad ku taabtay Otamendi oo xerada goolka ku jira, waxaana uu sameeyay difaacasho xun iyadoo hareerihiisa la buuxo, waxaa kubada helay Smith oo goolka hor taagnaa laakiin darbadiisa waxa ay ku dhacday goolhaye Ederson iyadoo banaanka ay u sii baxday.

Iyadoo Bournemouth ay cadaadis saareyso City ayay kooxda difaacaneysa horyaalka heshay goolka labaad. David Silva ayaa baas qurxoon u dhigay Sterling kaasoo isna kubada dabamariyay Ramsdale.

Waa goolkii sagaalaad ee uu Raheem Sterling ka dhaliyay Bournemouth sideed kulan uu ka horyimid.

Dhamaadkii qeybta hore Laporte ayaa qalad ku galay Callum Wilson meel 25 mitir u jirta goolka, waxaana loo dhigay Bournemouth laad xor ah iyadoo garoonka uu ku jiray xiddiga ku takhasusay laadadka xorta ah Harry Wilson. Xiddiga Liverpool amaahda uga soo maqan ayaa si qurux badan meel kore shabaqa ka geliyay laadkiisa xorta iyadoo Ederson si kasta uu u duulo uu awoodi waayay inuu celiyo.

Qeybtii labaad Callum Wilson ayaa darbo fiican waxaa ka badbaadiyay goolhaye Ederson laakiin weerar celintii ay qaadeen ayaa De Bruyne uu isna u dhawaaday inuu dhaliyo goolkii seddexaad laakiin darbadiisa waxa ay ku dhacday geeska shabaqa.

David Silva ayaa gambis ku soo galay xerada ganaaxa markii ay u muuqatay in lagu soo hareersamay waxaa kubada la wareegay Sergio Ageuro oo shabaqa ku taabtay goolkiisii labaad ahna goolkii seddexaad ee Man City.

Sergio Agüero iyo David Silva ayaa haatan ka wada shaqeeyay 27 gool oo Premier League ah, Xiddigaha kale ee goolal ka badan ka wada shaqeeyay waa Thierry Henry iyo Robert Pires (29) iyo Didier Drogba iyo Frank Lampard (36).

Ciyaarta waxa ay ku soo dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Pep Guardiola kuwaasoo haatan leh 7 dhibcood ka dib seddex kulan oo ay ciyaareen horyaalka Premier League. Waxaana ay soo galeen kaalinta labaad ee horyaalka iyagoo 2 dhibcood ka danbeeya kooxda hogaamineysa ee Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here