Kooxda Waaberi oo u gudubtay Finalka tartanka Faarax Gubadley kadib markii ay garaacday Gaadiidka

0
29

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tartanka loogu magac daray Korneel Faarax Gubadley ee ka socda magaalada Baladweyne ayaa maraya heer gaba gabo ah iyadoo Galabta samafinalka tartankan ay wada ciyaareen kooxaha Gaadiidka iyo Waaberi.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-1 waqtigii loogu tara galay waxaana lagu kala bixiyay rigoorooyin 5-4 oo aay ku badisay kooxda Waabari.

kooxda Gaadiidka ayaa maalinta khamiista kaalinta saddexaad kula tartami doonta kooxda Rugsan oo shalay  1-0 kaga badisay kooxda Iftin.

kooxaha Waaberi iyo Iftin ayaa iskugu soo haray finalka tartanka loogu magac daray korneel Faarax Gubadley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here