Tahriibe geeriyooday isaga oo doonaya in uu dabaal ku galo Britain

0
84

Baladweyne(Radio Beerlula)- Nin u dhashay dalka  Ciraaq ah oo isku dayay in uu dabaal ku galo Britain ayaa geeriyooday, sida ay sheegeen masuuliyiin reer Biljam ah.

Ninkan oo la rumaysan yahay in uu ku jiray da’da afartameeyada ayaa maydkiisa laga helay xeebta Biljam ee u dhaw tuulada Zeebrugge.

Carl Decaluwé oo ah barasaabka West Flanders ayaa sheegay in la helay maydka ninkan oo ay ku xiran yihiin waxyaabo macmal ah oo uu ugu talagalay in ay ka caawiyaan in uu sabeeyo.

Ninkaas ayay booliisku aqoonsadeen iyaga oo isticmaalay sawirka farahiisa, barasaabka ayaana sheegay in la rumaysan yahay in tahriibahan magangalyo looga soo diiday Jarmalka.

“Waxay nala tahay wuxuu isku dayayay in uu dabaal ku tago UK,” ayuu yiri, wuxuuna intaas ku sii daray “waxay ila tahay wuxuu rabay in uu dabal ka a billaabo Faransiiska kuna tago Britain”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here