Wafddi ka so coda Barcelona oo gaaray Paris soo xero galinta Neymar Jr

0
31
Paris Saint-Germain's Brazilian forward Neymar looks on during the French L1 football match between Paris Saint-Germain (PSG) and OGC Nice at the Parc des Princes stadium in Paris on May 4, 2019. (Photo by Lionel BONAVENTURE / AFP) (Photo credit should read LIONEL BONAVENTURE/AFP/Getty Images)

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Barcelona ayaa dooneysa in dalabkeeda ugu dambeeya ay u bandhigto Naadiga reer France ee PSG, si ay kala soo saxiixato Neymar Jr.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Sport” Gobolka Catalonia ee dalka Spain wafdiga Barcelona oo ka kooban agaasimaha kubada cagta ee Barcelona Eric Abidal, sidoo kale Javier Bordas oo ah xubin ka tirsan guddiga kooxda Blaugrana iyo madaxa fulinta Oscar Grau ayaa waxay durbadiiba ku gaareen diyaarad khaas ah magaalada Paris, si kulankooda ugu dambeeya ay maanta ula yeeshaan wakiilo ka socda PSG.

Wararka ayaa waxay tilmaamamayaan in Barcelona ay miiska u saari doono dhigeeda PSG lacag dhan 170 milyan oo euro oo lagu bixin doono laba sano gudahood si ay kaga qaadato xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr.

Wakiilada ka socda kooxda Barcelona ayaa sidoo kale u soo bandhigi doona PSG heshiis amaah ah oo hal xili ciyaareed ah ay kula wareegayaan Neymar Jr, iyadoo ay waajib ku tahay inay ku iibsadaan xagaaga dambe si toos ah in kabadan 150 milyan oo euro.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay macquul tahay in heshiiskan ay qeyb kaga dhigto wiilka reer France ee Ousmane Dembélé, inkastoo aysan Barca wali ka helin xiddigeedan ogolaansho ah inuu u dhaqaaqo PSG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here