isku aadka Carabao Cup oo caawa la sameynayo & Kooxaha waa weyn ee Premier League oo ku soo biiray

0
34

Baladweyne(Radio Beelula)- Koobka magacyada badan ee League Cup kaasoo haatan la yiraahdo Carabao Cup ayaa isku aadkiisa wareegga saddexaad lasameyn doona iyadoo ay so galyaan kooxaha waa weyn ee horyaalka Premier League.

Kooxaha waa weyn ee horyaalka Premier League ee Manchester City, Manchester United, Arsenal, Liverpool, Chelsea, Tottenham iyo Wolves ayaa dhammaantood ogaan doona kooxaha ay la ciyaari doonaan oo ay ku aadeen caawa.

Tababare Pep Guardiola kooxda uu hoggaamiyo ee Manchester City ayaa doonaysa inay difaacato koobkan Carabao Cup oo ay ku guuleystay labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Man City ayaa rigooreyaal kaga qaaday koobkan kooxda Chelsea xilli ciyaareedkii hore, halka ay 3-0 uga qaadeen kooxda Arsenal xilli ciyaareedkii ka sii horreeyey.

Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka Carabao Cup?

Isku aadka wareegga saddexaad ee Carabao Cup ayaa la sameyn doonaa caawa oo ay taariikhdu ku beega tahay 28 bisha Agoosto, waxaana la qaban doonaa isku aadka marka uu soo dhammaado kulanka u dhexeeya kooxaha Lincoln City iyo Everton.

Haddii kulankaas aan waqti dheeri ah la iska aadin waxaa uu isku aadku dhici doonaa 12:00 caawa saqda dhexe saacadda geeska Afrika.

Goormee ayaa la ciyaarayaa kulammada wareegga saddexaad ee Carabao Cup?

Kulammada wareegga saddexaad ee Carabao Cup ayaa la dheeli doonaa 23-ka bisha September ee dhowaan bilaaban doonta.

Kooxaha isku aadka loo qabanayo ee u soo baxay wareegga saddexaad ee Carabao Cup:-

Brighton

Burton Alion

Luton Town

Crawley Town

Aston Villa

Colchester United

Southampton

Grimbsy Town/Macclesfield Town

Stoke City

West Ham

Nottingham Forest

Oxford United

Reading

Preston North End

Rochdale

Sheffield United

MK Dons

Watford

Bournemouth/Forest Green Rovers

Burnley/Sunderland

Lincoln City/Everton

Newcastle United/Leicester City

QPR/Portsmouth

Rotherham United/Sheffield Wednesday

Swansea City/Cambridge United

Man City

Liverpool

Chelsea

Tottenham

Arsenal

Man Utd

Wolves.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here