Real Madrid Oo Ku Dhow Soo Xerogelinta Xiddig Ay Manchester United Ku Gacan Seyrtay Xagaagan

0
25

Baladweyne(Radio Beerlula)- Real Madrid ayaa wadahadalo ka bilowday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Sporting Lisbon Bruno Fernandes ka dib markii ay ka rajo dhigeen hamigoodii ahaa inay Paul Pogba geeyaan Bernabeu xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Faransiiska ee Koobka Adduunka ku guuleystay ayaa bartilmaameed u ahaa tababare Zinedine Zidane xagaagan oo dhan, waxaana jirtay rajo ay Real Madrid ka qabtay inay ugu danbeyn heshiis ka gaari doonaan saxiixiisa.

Pogba ayaa horaantii xagaagan hoosta ka xariiqay inay macquul tahay inuu ka tago Man United, isagoo sheegay in la joogo waqtigii uu tartan cusub geli lahaa ka dib seddex sannadood uu joogay Old Trafford.

Laakiin kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku adkeysatay inay ceshanayaan xiddiga khadka dhexe, inkastoo taageerayaasha qaar ay dalbadeen in la iibiyo hadana kooxda ayaa ku adkeysatay go’aankeeda.

United ayaan dooneynin inay fasaxdo mid ka mid ah xiddigaheeda waa weyn iyagoo aan awoodin inay keensadaan bedelkiisa, madaama kooxaha Premier League aysan ciyaaryahan la soo wareegi karin ilaa iyo Janaayo 2020.

Iyadoo suuqa kala iibsiga Spain uu xirmayo 2da bisha September, Madrid ayaa go’aansatay inay diiradooda u weeciyeen meel kale, waxaaana ay doonayaan Bruno Fernandes oo ah xiddiga ay Man United ku gacan seyrtay xagaagan.

Mareegta Goal ayaa sheegtay in wakiilo ka socda kooxda La Liga inay la kulmeen wakiilka xiddiga khadka dhexe ee Sporting, iyadoo kooxda reer Portugal ay ku wargelisay Los Blancos inay 80 milyan euro ku doonayaan 24 jirkaan.

Lacagtaan ayaa aad uga yar lacagta 100ka milyan euro ee lagu burburin karo qandaraas ciyaaryahanka oo dhacaya sannada 2023.

Si la mid ah Man United, Tottenham iyo Atletico Madrid ayaa sidoo kale xiiseynayay Bruno xagaagan waxaana ay haatan u muuqataa in kooxda Zinedine Zidane ay ugu cadcadahay saxiixa xiddiga reer Portugal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here