Tiemoue Bakayoko oo doonaya inuu dib ugu laabto dalka Talyaaniga

0
33

Baladweyne(Radio Beerlula)- Laacibka khadka dhexe ee Chelsea, Tiemoue Bakayoko ayaa lagu soo waramayaa inuu ku wargaliyay AC Milan inuu doonayo inuu ku laabto kooxda.

Sida uu warinayo Warsidaha Tuttosport, saraakiisha kooxda AC Milan ayaan meesha ka saarin inaysan ka soo daaheyn dib soo laabashada Bakayoko, iyagoo siinaya Kessie inuu baxo isbuucaan oo uu ku biiro kooxda Monaco.

25-sano ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku qaatay heshiis amaah ah garoonka San Siro, waxaana uu u saftay 42 kulan, isagoo noqday mid ay taageerayaashu jecel yihiin.

Yeelkeede, qeybtii dambe ee xirfaddiisa kooxdaas tababare Gennaro Gattuso ayaan la dhicin, kaddib markii uu laacibku tababarka ka soo daahayay oo uu imaan jiray xilli dambe.

Waxaana sidoo kale jira in macallinkii bedelay Gattuso ee Marco Giampaolo uu ka door-bidayey laacibkan xiddigaha khadka dhexe ee Ismael Bennacer iyo Lucas Biglia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here