Halyeeyga reer Brazil ee Rivaldo oo laabta u qaboojiyay taageerayaasha kooxda Real Madrid

0
48

Baladweyne(Radio Beerlula)- Halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa fariin u diray taageerayaasha Real Madrid, taasoo ah inaysan ka walwalin bilawga xilli ciyaareedka.

Rivaldo ayaa sidoo kale sheegay in xaalada kooxda ay aad u fiicnaan doonto la shaqeynta tababaraha reer France ee Zinedine Zidane.

Halyeeyga reer Brazil ayaa u arka inaysan jirin xaalad ay ka walwalaan taageerayaasha kooxda Real Madrid, isagoo dhinaca kale tilmaamay inay la tahay in Zidane uu dib u soo celin karo Real Madrid siddeedii hore.

“Inkasta oo dhibco ay ku lumiyeen garoonkooda isbuucii hore horyaalka La Liga, hadana ma aqaano sababta kooxda iyo taageerayaasha ay u bilaabeen inay argagaxaan”

“Waxaan hadda bilownay horyaalka, sidoo kale Barcelona ayaa laga badiyay kulankoodii ugu horreeyay”.

“Fikirka noocan oo kale ah waxay imaan kartaa ka dib 10 kulan ama wax kabadan, haddii ay xaalada noqoto midaan wanaagsaneyn”.

“Zinedine Zidane wuxuu dib u soo celinayaa kooxda, wax walbana si dhakhso ah ayey u fiicnaanayaan”.

“Real Madrid wxay u dagaallami doontaa ku guuleysiga horyaalka La Liga iyo Champions League, laakiin shaki iigama jiro inay tallaabo u qaadi karaan suuqa kala iibsiga kahor waqtiga kama dambeysta ah ee albaabada loo xiri doono”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here