Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane oo diiday inuu ka rajo dhigo doonista Paul Pogba

0
27

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa inuu weli xiiseynayo inuu la soo wareego ciyaaryahanka khadka dhexe ee camaaliqada reer England ee Manchester United, Paul Pogba ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga  qaaradda Yurub.

Xiddiga khadka dhexe ee reer France ayaa la la xiriirinayay inuu u dhaqaaqi doono caasimadda Spain xagaaga oo dhan kaddib markii uu ka hadlay rabitaankiisa tartan cusub dhammaadka xilli ciyaareedkii hore, laakiin dalab weli kama uusan imaan Los Blancos marka laga reebo xanta suuqa kala wareegga xiddigaha.

Kooxda kaalinta shanaad ee jadwalka kala sarreynta horyaalka xiisaha badan ee Premier League ee Manchester United ayaa lafahansan yahay in aysan iminka diyaar u ahayn in ay si sahlan ku dhiibaan kubbad-abuurahooda, maadaama aysan badalkiisa heli karin.

Yeelkeede, Wargeyska Daily Mirror ee fadhigiisu yahay England ayaa haatan soo warinaya in Zidane uu ka fiirsanayo u dhaqaaqista 26-sano jirka khadka dhexe, isagoo dareemaya in haddii uu ka daaho doonistiisa ay dhibaato iyo shalaay u tahay isaga, maadaama uu dareemayo in Pogba uu muhiim u yahay Madrid.

Zidane ayaa kooxdiisa Real Madrid ku qalqaalinaya soo iibinta xiddigaha ay isku dhalashada yihiin  si ay  kooxda caasimadda ugu guuleysto tartammada kala duwan oo ay kooxda ka qeyb-galeyso iyo ka bixidda baahida ugu weyn ee kooxda ee ah noqshada horyaalnimada markii ugu horeysay tan iyo 2017-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here