Manchester United oo si rasmi ah ugu dhawaaqday In Alexis Sanchez Uu Ku Biiray Inter Milan

0
26

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ugu dhawaaqday in weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez inuu ku biiray kooxda Talyaaniga ee Inter Milan.

Sida ay shaacisay Red Devils weeraryahankii hore ee Arsenal ayaa heshiis amaah ah oo ku ek 30ka bisha Juun 2020 waxa uu ugu biiray kooxda Nerazzurri ee horyaalka Serie A.

Sanchez ayaa Talaadadii ka degay magaalada Milan isagoo tijaabada caafimaadka u maray kooxda Inter Milan, waxaana   lagu sawiray isagoo jooga xarunta kooxda.

Manchester United ayaa qeyb weyn ka bixin doonta mushaharkiisa mudada sannadka ah ee uu joogo Inter Milan, madaama kooxda Talyaaniga ay diiday inay bixiso mushaharkiisa oo gaaraya 505 kun ginni isbuucii.

Alexis Sanchez ayaa ku fashilmay Manchester United tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Arsenal bishii Janaayo 2018, isagoo u dhaliyay 18kii bilood ee uu kooxda joogay kaliya shan gool.

Waxa uu dhanka doorashada ka dib maray Marcus Rashford, Anthonay Martial, Daniel James iyo xitaa da’ yarka ka soo baxay akadeemiga Mason Greenwood.

Alexis Sanchez ayaa kooxda Inter Milan kula midoobaya weeraryahankii hore ee Man United Romelu Lukaku.

Lukaku ayaa isna xagaagan ka tagay Manchester United isagoo heshiis 73 milyan ginni ah ugu wareegay kooxda Inter Milan.

Alexis Sanchez ayaa ka ciyaari doona Champions League xilli ciyaareedkan isagoo fursad u heli doona inuu ka horyimaado kooxdiisa hore ee Barcelona oo ay Group F kuwada jiraan.

Waxaa sidoo kale Group F ku wehliya kooxaha Borussia Dortmund iyo Slavia Prague.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here