Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Man United Ku Hor Kuftay Southampton

0
33

Baladweyne(Radio Beerlula)- Manchester United ayaa dhibco kale dhumisay iyagoo barbaro 1-1 ah kala kulmay 10 ciyaaryahan oo Southampton ah oo marti loo ahaa.

Daniel James ayaa goolka furitaanka u dhaliyay Manchester United kaasoo si fiican ku bilowday waayihiisa ciyaareed ee Old Trafford isagoo dhaliyay seddex gool afar kulan uu ciyaaray horyaalka.

Laakiin kubad uu madaxa ku dhaliyay Jannik Vestergaard ayaa guusha u diiday Manchester United qeybtii labaad iyadoo Southampton uu casaan ka qaatay ciyaarta oo 15 daqiiqo ka dhiman Danso.

XIDDIGAHA FASHILMAY

Andreas Periera kama sii mid noqdeen ciyaartoyda Man United haddii uu sii furnaan lahaa suuqa kala iibsiga, isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liita mar kale, ma ahan ciyaaryahan u dhigma ciyaartoydii waa weyneyd ee Manchester United khadka dhexe uga soo ciyaarta.

Xiddiga labaad ee si liidata maanta u ciyaaray waa Paul Pogba laakiin qaladkiisa ma aheyn, waxaa laga ciyaarsiiyay booska burburiyaha khadka dhexe taasoo keentay in kubado badan uu dhumiyo halka uu sidoo kale farsamo aan loo baahneyn uu isku dayay mararka qaar.

XIDDIGA GAROONKA

Aaron Wan-Bissaka (Manchester United). Waxa uu ka horyimid xiddig farsamo leh Sofiane Boufal, Wan-Bissaka ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, waxaana uu ku guuleystay dagaalkii uu u galay inuu ku xureysto garabkiisa.

Ciyaartoyda weerarka ee Southampton ayaana awoodi waayay inay kubada la garab maraan, waana sababta keentay in Boufal uu garabka ka dego si uu saameyn u yeesho, halka Southampton aysan wax fursad ah ka soo abuurin garabka midig ee Man United.

ampions League

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Southampton: Gunn 6, Cedric 5, Vestegaard 7, Bednarek 6, Danso 4, Hojbjerg 6, Romeu 6, Ward-Prowse 5, Boufal 5, Adams 5, Ings 6.

Bedel: Yoshida 6, Armstrong 5, Long 6.

Manchester United: De Gea 6, Wan-Bissaka 9, Lindelof 6, Maguire 6, Young 6, McTominay 6, Pogba 5, Pereira 4, Mata 6, James 8, Rashford 6.

Bedel: Lingard 5, Matic 5, Greenwood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here