Liiska Musharaxiinta Isagu Soo Haray Abaalmarinada Tababaraha Sannadka, Goolhayaha Sannadka Iyo Goolka Sannadka Ee FIFA Oo La Shaaciyay

0
24

Baladweyne(Radio Beerlula)- FIFA ayaa ku dhawaaqday musharaxiinta sideed abaalmarin oo ay bixineyso sannadkan iyo dadka isagu soo haray, iyadoo goordhaweyd la shaaciyay seddexda xiddig ee isagu soo haray abaalmarinta xiddiga sannadka ee FIFA ee loo yaqaano The Best

Waxaa sidoo kale la shaaciyay seddexda tababare ee isagu soo haray abaalmarinta tababarka sannadka ee FIFA iyadoo ay wada qaateen tababarayaasha Premier League.

Macalinka Liverpool Jurgen Klopp, tababaraha Manchester City Pep Guardiola iyo tababaraha Tottenham Maurico Pochettino ayaa isagu soo haray abaalmarinta tababarka sannadka.Klopp oo ugu cadcad abaalmarintaan ayaa Liverpool ku hogaamiyay Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay,

halka Pep Guardiola uu ka caawiyay Man City inay markii labaad oo isku xigta hanato horyaalka Ingariiska iyadoo Mauricio Pochettino uu si lama filaana ah Tottenham ugu soo saaray finalka Champions League.

Abaalmarinta goolhayaha sannadka waxaa isagu soo haray goolhayaha Liverpool Alisson Becker, goolhayaha Manchester City Ederson iyo goolhayaha kooxda Barcelona ter Stegen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here