RASMI: Daafacii Manchester United ee Matteo Darmian oo ku biiray koox ka dhisan dalka Talyaaniga

0
25

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Parma ee dalka Talyaaniga ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday inay la saxiixatay daafacii reer Talyaani ee Matteo Darmian, kaasoo ay kala soo wareegeen naadiga Manchester United ee ka dhisan dalka Ingiriiska.

Inkastoo heshiiskan uu dhacay Sabtidii, haddana waxa kaliya kooxaha Parma iyo Man United xaqiijiyeen maanta oo Isniin ah.

Kooxda Parma ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in da’yarkii hore ee Milan uu qalinka ugu duugay heshiis afar sanadood ah.

Wararka laga helayo dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in ay kaliya 1.5 milyan oo euro ka bixisay 29-sano jirkaan, inkastoo uu galayay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa kooxda Red Devils.

Darmian ayaa 36 kulan u saftay xulkiisa qaranka Talyaaniga, waxaana uu horay ugu soo ciyaaray ka hor Manchester United kooxaha Palermo iyo Torino

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here