RASMI: Javier Hernandez oo ka tagay horyaalka Premier League, kuna biiray koox ka dhisan dalka Spain

0
31

Baladweyne(Radio Beerlula) -Kooxda kubadda cagta Sevilla ee dalka Spain ayaa la saxiixatay Javier Hernandez kaasoo ay qandaraas saddex sanadood ah iyo heshiis aan qiimihiisa la shaacin uga soo qaateen naadiga West Ham United.

31-sano jirkaan weerarka ka dheela ee reer Mexico ayaa gudbiyay codsi bixitaan ah Jimcihii, waxaana uu u duulay dalka Spain si uu caafimaadka ugu maro Sevilla.

Hernandez ayaa mustaqbalkiisa Hammers uusan fadhinin tan iyo markii ay heshiis rikoorka kooxda ah kula soo wareegtay Sebastien Haller kaasoo ay ka soo qaateen kooxda Eintracht Frankfurt bisha July.

West Ham ayaa kala soo saxiixatay Hernandez kooxda Bundesliga ee Bayer Leverkusen, waxaana ay uga soo qaateen adduun dhan 16 milyan oo gini sanadkii 2017-kii.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Manchester United ayaa 55 kulan oo horyaalka Premier League u saftay Hammers, waxaana uu dhaliyey 16 gool oo uu ku jiro hal gool oo uu xilli ciyaareedkan dhaliyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here