Aaron Wan-Bissaka Oo Laga Saaray Xulka England

0
34

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiddiga daafaca midig ee kooxda Manchester United Aaron Wan-Bissaka ayaa laga saaray xulka qaranka England sababo la xiriira dhaawac soo gaaray.

Xiddigaan oo aan waligiis u dheelin xulka waa weyn ee England ayaa dib ugu soo laabtay Manchester United, iyadoo tababare Gareth Southgate uu go’aan ku gaaray inuusan u soo yeeranin bedelkiisa.

Xulka England ayaa durbaba heysta dooqooda koowaad ee daafac midig oo ah Trent Alexander-Arnold iyo daafaca midig ee Atletico Madrid Kieran Trippier.

Sidaasi darteed Southgate ayaan wax weyn u arkeynin maqnaanshiyaha 21 jirka Man United Aaron Wan-Bissaka, kaasoo seegaya kulamada isreebreebka Euro 2020 ee ay la ciyaarayaan Bulgaria Sabtidai iyo Kosovo oo ay la ciyaarayaan Talaadada ku xigta.

Tababare Southgate ayaa hore uga soo tagay daafaca midig ee Manchester City Kyle Walker kaasoo in muddo ah u dheelayay xulka Ingariiska, laakiin Walker looma soo yeerin doono xitaa haddii Wan-Bissaka laga saaray liiska xulka.

Aaron Wan-Bissaka ayaa noqonaya xiddigii labaad ee Manchester United ee laga reebo kulamada caalamiga ah, iyadoo Paul Pogba isna dhaawac looga saaray xulka qaranka Faransiiska.

Pogba waxaa booskiisa xulka Le Blues buuxiyay xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Guendouzi kaasoo markii ugu horeysay abid looga soo yeeray xulka waa weyn ee France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here