Ciyaaryahankii hore ee kooxda Inter Milan oo u tartamaya xildhibaanimo dalka Kenya.

0
27

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe uga dheeli jiray kooxda Inter Milan, McDonald Mariga una dhashay dalka Kenya ayaa u tartamaya xildhibaanimo mid kamid ah kuraasta doorashada baarlamaanka ee magaalada Nairobi.

McDonald Mariga waxaa uu kamid noqday dadka u hanqal taagayo kursiga baarlamaaniga ee Kibra oo ay ku yaallaan xaafadaha isu raranka ugu weyn bariga Afrika.

Mariga waxaa uu ka socda xisbiga Jubilee ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana la guddoonsiiyay shahaadada xisbiga ee u horseeday inuu loolanka ka qeyb qaato.

Waxaa uu ahaa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee ka socda dalalka Bariga Afrika ee u dheelo ciyaaraha horyaalka Yurub, Talyaaniga.

Ciyaaryahanka 32 jirka ah waxaa uu wariyeyaasha u sheegay in sababta uu ugu biiray siyaasadda ay tahay inuu u adeego bulshadiisa.

Bisha Nofembar ayaa doorasho laga qabanayaa deegaan baarlamaaneedka Kibra kaddib markii uu dhawaan geeriyooday ninkii xildhibaanka ka ahaa deegaankaas.

Qaar kamid ah ciyaaryahanada caanka ah ee Afrikaanka ah ayaa ku biiray siyaasadda, George Weah oo horey u noqday ciyaaryahanka ugu wanaagsan xiriirka kubadda cagta adduunka ayaa hadda madaxweyne ka ah dalka Liberia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here